Madaxweyne Barack Obama oo haatan booqasho ku jooga Nairobi ayaa lagu wadaa inuu xubno ka tirsan Isbahaysiga Mucaaradka Kenya ee CORD la kulmo.
Hadal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay inuu Obama la kulmi doono afar xubnood oo ka tirsan Isbahaysigaasi oo uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Kulankooda ayaa qaaadan doono muddo 45 daqiiqo oo keliya, waxaana la hadal-hayaa inay Madaxweyne Obama u gudbin doonaan qorshahooda ku aadan Ammaanka, La-dagaalanka Alshabaab iyo sidii Ciiddanka Kenya looga soo saari lahaa gudaha dalka Somalia.
Afarta xubnood ee Isbahaysiga CORD ee la kulmi doona Madaxweynaha Maraykanka ayaa kala ah:- Raila Odinga, Kalonzo Musyooko, Moses Wetangula iyo Hoggaamiyaha Xisbiga NARC, Martha Karya.
Dhinaca kale, Isbahaysiga CORD waxat soo saareen War-saxaafadeed ay ku soo dhaweeyeen booqashadda Madaxweyne Obama iyo Taageeradda ay Dowladda Maraykanka la garab taagan yihiin Kenya.