Warar ay Idaacadda Dalsan ee Magaalada muqdisho ay ka heleyso XaruntaMadaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxa uu sheegayaa in Xarunta goordhow uu ka dahcay isbedel weyn islamarkaana xilalkii laga qaaday masuuliyiin xilka hayay Xarunt Madaxtooyada.
Waxaa xilalkii laga qaaday Madaxii Protocol-ka Madaxtooyada oo lagu magacaabo C/llaahi Yuusuf iyo Agaasime kuxigeenkii Madaxtooyada C/llaahi Kulane oo 16-kii bishan xilkan loo magacaabay.
Sidoo kale Wararka ayaa waxa ay sheegyaan in Sagaal Xubnood oo kamid ahaa Djalinyaro u tababaran dahnka Protocol-ka iyana meesha laga saaray loona bedelay dhankaa iyo Wasaarada Arimaha dibadda Soomaaliya.
Arintaan aya imaaneysa kadib magacaabistii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin walow isagu uu dalka ka maqan yahay islamarkaana uu lahaa amarka xilalka looga qaaday ragaan.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socotay xilka qaadista xukuumada Madaxweyne Maxamed cabdullaahi(Farmaajo) waxana xusid mudan in mudo Sadax Bilood Gudahood ah Madaxtooyada Soomaaliya ay yeelatay Sadax Agaasime.