Iran oo sii Deysay Markabkii ay ka qabsatay Britain

Markab watay calanka dalka Britain, kaas oo bishii July ay qabsatay dawladda Iran ayaa Sabtidii shalay ku xirtay dekedda dalka Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta.

Warkan waxa laga soo xigtay dhowr warfidiyeen iyo website ururiya wararka maraakiibta.

Markabkan oo lagu magacaabo Stena Impero, kaas oo lagu hayey deegaanka Bandar Cabbaas ee dalka Iran, in ka badan labo bilood, ayaa bilaabay inuu ka dhaqaaqo dalkaas Jimcihii dorraad, isago oo gaaray Dubai Sabtidii shalay.

Erik Hanell oo ah agaasimaha shirkadda leh markabkan ayaa warfidiyeenka u sheegay in shaqaalaha markabka la soo daayey ay nabdoon yihiin, niyadooduna ay wanaagsan tahay. Waxa uu intaas ku daray in shaqaalaha loo diyaariyey sidii ay qosaskoodii dib ugu noqon lahaayeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media