Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dalkeeda uu soo galay Madaxii Amniyaadka dagaalamayaasha Al-shabaab ee Gobolka Banaadir,kaasi oo kal horey dowladda Federaalka sheegtay inay gacanta ku dhigtay.
Ciidanka Booliska Kenya ayaa shaaciyay in C/waaxid Khaliif Cabdi oo ahaa Madaxii Amniyaadka Al-shabaab uu Kenya galay 24-kii Bishaan September 2019,isla markaana waxaa shacabkeeda ugu baaqday inay soo sheegan hadii arkaan Ninkaas.
Sidoo kale Booliska Kenya ayaa soo bandhigay Muuqaalka C/waaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaano (Ciise Trabuun),waxaana Kenya ay dalbatay in si deg deg ah Booliska ugu soo wargeliyo ruuxii arka (Ciise Trabuun) oo la tilmaamay in dalkaas uu galay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegtay in sanadkii 2017 howlgal Ciidanka amniga ay sameeyeen Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka dagaalamayaasha Al-shabaab ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa xiligaas sheegtay in C/waaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaano (Ciise Trabuun),Maxkamad la soo taagi doono.