Duqeyn lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyay Sh/Hoose

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay fiidnimadii hore ee waxaa ay Duqeyn ku dileen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Duqeyntan oo ay Ciidammadu ka fuliyeen duleedka Koonfureed ee degmada Awdheegle ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ay Ciidammada Xoogga Dalka ka war heleen inay goobtaas isku urursadeen Al-Shabaab ah oo doonayey iney weeraro kusoo qaadaan degmada Awdheegle waa sida hadalka loo dhigay.

Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in duqeyntan lagu dilay Saraakiil iyo dagaalyahano ka badan 20 oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in saraakiisha halkaas lagu dilay uu kamid ahaa ku xigeenka Sarkaalka Jabhadaha Al-Shabaab Xasan Abshir Jabriil oo magaciisa afgarashada uu yahay (Xasan Jiiroow).

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ku aadan wararka sheegaya in duqeyn ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose looga dilay Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa iyaga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media