IOM oo codsatay Malaayiin Dollar oo wax looga qabto Baahida Degdega ee ka jirta Somalia.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Muhaajiriinta Caalamka (IOM) ayaa ka dalbatay Beesha Caalamka  lacag dhan 24.6 milliuon oo Dollar si wax looga qabto Gargaarka DEgdedda ee in ka badan hal million oo qof oo ay waxyeeleysay dhibaatada Abaaraha Somalia.

Hay’addaha Samafalka Caalamiga ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaalladda Somalia, iyagoo ka digay inuu u kordhayso si la mid ah Macluushii ka dilaacday Somalia sannadkii 2011-kii, oo ay ku geeriyoodeen 250,000 oo qof.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda IOM ayaa lagu xusay hadal laga soo xigtay Haweeney dhibane u noqotay Abaaraha, taasi oo sheegtay inaysan Somalia marnaba soo marin Abaar la mid ah tan haatan saamaysay inta badan Goballadda Somalia.

Haweeneydaasi waxay abaartan ugu magac dartay “Oday Ka-weyn”, waxayna xustay inaysan dadka Waateeladda marnaba la kulmin Abaar la mid ah tan sannadkan ka jirta Somalia iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Abaartan ayaa waxay saamaysat  6.2 million o oqof, kuwaasi oo u baahan Gargaar Aadminimo sida Cunto, Biyo iyo Faya-dhowr Cafaimaad, Badbaado  iyo Hoy.

 

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media