Ingiriiska oo walaac ka muujiyay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Safaaradda dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaaladii shalay ilaa iyo xalay ka dhacayay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwo Milateri ah oo kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa waxaa walaac looga muujiyay dagaaladii ka dhacay degmooyinka Cabdicaiis, Howlwadaag, Hodan iyo xaafaddo kale oo ka tirsan Gobolka, kuwaasi oo la isku adeegsaday hubka Culus.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhinacyada iska soo horjeeda ugu baaqday in xaalada la dejiyo, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada-hadal, taasi oo ay sheegeen inay ku jirto danta ugu wanaagsan ee Soomaaliya.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii ka dhacay Caasimadda, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin inta uu la egyahay, waxaana weli Magaalada laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda.

Wasiirka amniga Xukuumadda xilgaarsiinta oo goorsii horeysay la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in lasoo afjaray koox dooneysay khal-khal gelinta amniga Muqdisho, isagoona beeniyay in la weeraray Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh iyo Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen inay weerar kusoo qaadeen Ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo, isla markaana wixii Mas’uuliyad darro ah ee dhasha uu qaadayo Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor