Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay waxyaabo Qarxa iyo Hub

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihi lasoo dhaafay duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas ka sameeyay howlgal saacado dhow ah qaatay, kaasi oo la helayo faah faahino.

Ciidamada amniga ayaa inta uu socday howlgalka kusoo qabteen waxyaabo laga sameeya Qaraxyada iyo Keyd hub ah oo ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Puntland inay lahaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in hubka lasoo qabtay uu ku keedsanaa Godad ay ka qoteen buuralayda Galgala, kadib markii ay Warbixin la wadaageen ku aadan hubkaas la wadaageen dadka deegaanka.

Amaanka Magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana halkaas ka socda howlgalada Ciidamada Amniga ay ka sameenayaan gudaha iyo duleedka Magaalada.

Si kastaba Boosaaso iyo duleedka ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo lagu dilay Mas’uuliyiin iyo Askar ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana weeraradaas Mas’uuliyadooda kala sheegtay Al-shabaab iyo Daacish.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor