Ingiriiska oo ka baaraan dagaya tallaabo ka dhan ah dadka magangelyo doonka ah

Xukuumadda Ingiriiska ayaa ka baaraan degaysa in aanay dalkeeda soo gelin dadka magangelyo doonka ahi ilaa inta codsiyadooda go’aan laga gaadhayo.

Arintan ayaa qayb ka ah wax ka bedel ballaadhan oo lagu wado xeerarka socdaalka dalkaas ka dib markii Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub.

London ayaa doonaysa in ay wax ka bedesho xeerarka socdaalka dadka tahriibka sharci darrada ah ku gala dalkaas ee isku daya in ay ka gudbaan badda English Channel ee u dhaxaysa Ingiriiska iyo Faransiiska iyaga oo doonaya in ay magangelyo helaan.

Wasiirka arimaha gudaha, Priti Patel, ayaa ku tilmaantay xeerarka socdaalka ee haatan jiraa in ay ka muuqato “mushkilad asaasi ahi”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor