India oo ku guuleysatay inay 104 Dayax-gacmeed ku dirto hal Gantaal.

India ayaa maanta Hawada Sare u dirtay Gantaal xambaarsan 104 Dayax-gacmeed, waana Tallaabo Taariikhi ah arrintaasi, iyadoo ay Raashiya horey ugu guuleysatay arrintaas o okale.

Gantaalka ay India dirtay ayaa la sheegay inuu saacadiiba jari karo 27,000 oo KM, isagoo dhamaan 104-ta Dayax Gacmeed ku sayrin karo Hawada Sare muddo 30-daqiiqo gudaheeda.

Gantaalkaasi culayskiisa waa 714 Kg, waxaana la saaray Dayax-gacmeedyo  “Nano Satellites” oo uu culayskooda dhan yahay 664-Kg.

Dhinaca kale, Saynis-yahanadda  India ayaa isugu soo baxay Saldhigga laga ganay Gantaal-xambaaraha waday 104-ta Dayax-gacmeed.

Madaxa Hay’adda Cilmi-baarista Hawada Sare ee dalka India (ISRO), Kiraan Kumar inay dhamaan Dayax-gacmeedyadda la diray si habsami leh ugu meereysanayaan Caalamka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media