In ka badan 1,800 Maxbuus oo ka baxsaday xabsi ay weerartay Dabley hubeysan

Maxabiis farabadan ayaa ka baxsaday xabsi ku yaal gobolka Imo oo ku yaala Koonfur bari Nigeria, ka dib weerar ay ku qaadeen dabley hubaysan sida ay sheegeen maamulka xabsiga.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Asluubta Nigeria, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xabsiga Owerri ay weerareen niman hubaysan oo aan haybtooda la aqoon kuwaas oo si qasab ah ku sii daayay 1,844 maxaabiis ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen Rag tiro badan oo hubaysan oo saaran gawaarida xamuulka, kuwaas oo weeraray ilaalada xabsiga ka hor inta aysan qarxin albaabka weeyn ee Jeelka.

Warbaahinta qaar ayaa sheegay in Ragga weerarka ku soo qaaday Xabsiga ay adeegsadeen walxa qarxa oo macmal ah si ay u qalqal galiyaan ilaalada xabsiga magaalada Owerri ee koonfur bari Nigeria.

Madaxweynaha Nigeria Muxammadu Buhari ayaa cambaareeyay weerarkan, isaga oo ku sifeeyay kuwa fuliyay weerarkan Argagixiso, inkastoo falkan lagu eedeeyay  kooxda gooni u goosadka ah oo dhawaan ku baaqday madaxbannaanida gobolka Biafra.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor