Warar aan ka helnay Dekadda Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Imaaraadka Carabta ay Dekada weyn ee Muqdisho keeneen Markab Weyn si ay ugu rartaan Qalabka milateri ee ka yaalla muqdisho.
Illo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in Imaaraadka xerada tababarka ee Janaraal Goldan kala soo baxeyn Gawaarida Ciidamada Bullet Proof iyo sidoo kale Qalab ciidan,iyaga oo geeyey dekada Muqdisho si ay markabkaas ugu rartaan dibna ugu celiyaan dalkooda.
Arrintaan oo weli aysan ka hadlin laamaha amniga Soomaaliya ayaa daba jooga khilaaf Siyaasadeed oo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka,waxaana dhawaan Dowladda Imaaraadka ay ku dhawaaqday in ay joojisay tababarkii Ciidan oo ay ka waday Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhawaan sheegay in uu jiro wadahal u socda Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka si xal looga gaaro khilaafka soo kala dhex galay.