ILO: “Dowladda Federalka waa in Ururradda Shaqaalaha loo madax bannaaneeyo inay Ergooyin u soo dirsadaan Shirarka Caalamiga”

Ururka Shaqada Adduunka “International Labour Organization” ee loo soo gaabiyo ILO ayaa soo saaray Warbixintooda Labaad oo ay ku muujiyeen sababaha ay u diideen sannadkii hore Ergooyin sheeganayey inay ka kala socdaan Ururadda Shaqaalaha ee Somalia.

Warbixinta labaad ee Guddiga Aqoonsiga ee Ururka ILO, gaar ahaan Qoddobadda tirsigooda kala yahay 63, 64 iyo 65 ayaa waxaa lagu muujiyey  inay Guddiga garwaaqsadeen wax u muuqda xiisada muddada dheer soo taagan oo u dhexeysa Dowladda Federalka iyo Ururadda Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU.

ILO waxay sheegtay in Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Somalia uu saddex Guddi oo matalayo Shaqaalaha Soomaaliyeed u soo diray Shirweynihii Ururka Shaqada Adduunka ee 2-dii bishii May ee sannadkii hore lagu qabtay Xarunta Ururkaasi oo ku taalla magaalladda Geneva ee dalka Switzerland.

Ururka Shaqada Adduunka (ILO) waxay mar kale ku baaqeen Mabaadiida Guud iyo Xaqa ay Ururadda Shaqaalaha Somalia u leeyihiin inay si xor ah u doortaan Wakiiladooda iyo inay awoodaan inay faragelin la’aan sare u qaadaan Wax-ku-oolkooda.

Ururka Shaqada Adduunka (ILO) waxay kaloo sheegeen inay rajeynayaan in soo magacaabista Wafdiga Shaqaalaha Somalia ee ka qeyb geli doona  Shirarka mustaqbalka ee ILO in ay noqoto mid si buuxda u waafaqsan Dastuurka ILO “ILO Constitution”, gaar ahaan Qoddobkiisa 3-aad farqadiisa 5-aad.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor