• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, June 21, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(WARBIXIN + SAWIRO): Rakaab British oo isku dhinac sawiray Afduubihii Diyaaradda EgyptAir.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 30, 2016
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Benjamin Innes oo u dhashay dalka Britain, kana mid ahaa Rakaabkii la socday diyaaraddii EgyptAir ee shalay la afduubtay ayaa waxa uu ku dhiiraday inuu isku dhinac sawiro Afduubihii Diyaaradda EgyptAir, Sayfuldiin Mustafa.

Benjamin Innes oo 26-jir ah kana soo jeeda magaalladda Leeds ee dalka Britain waxa uu ahaa qofkii ugu dambeeyey ee uu Afduubaha sii daayey muddadii uu socday Afduubkaasi o oqaatay 6 saacadood.

Rakaabkaasi waxa uu Sawir la galay Afduubaha sheegtay inuu xiran yihiin suunka loo adeegsado Isqaxinta (A suicide vest).

Muuqaalka Sawirka ayaa muujinaya iyadoo uu Benjamin Innesdhinac taagan yahay Afduubaha halka laga hago Diyaaradda (The cabin of the Plane) oo taagan dhabaha ay Diyaaradaha ku cararaan ee Garoonka Diyaaradda ee Larnaca Airport ee Jesiiradda Qubrus.

Rakaabkaasi waxa uu ka mid ahaa 8 British la sheegay inay la socdeen Diyaaradda EgytAir ee la afduubtay oo nooceedu haa Airbus A320.

Qoyska iyo Saaxiibadda Benjamin Innes ayaa ku tilmaamay Hab-dhaqankiisa Dabeecad ahaan nooc ka mid ah qof dhallinyarro oo jecel Kaftanka iyo Qosolka.

Benjamin Innes oo deggan Leeds, kana shaqeeya Arrimaha Caafimaadka iyo Ammaanka waxa uu Wargeyska The Sun u sheegay xalay inuusan hubin waxa uu arrintaasi u sameeyey iyo inuu iska tuuray digniinta cabsida lahayd, iskuna dayey inuu ku sii nagaado jawi Farxadeed.

“Waxaan is-tusiyey fursad aan Afduubaha ugu dhawaan karo, si aan u ogaado haddii uu bambkiisa run yahay” ayuu yiri Rakaabkaasi u dhashay Britain.

Waxa uu intaasi ku daray: “Waxaan helay mid ka mid ah Shaqaalaha Diyaaradda si uu iigu tarjumo, waxaana isaga ka codsaday inuu sawir nagu qabto”.

Waxa kale oo uu sheegay inuu Afduubihii oggolaaday si uu iskugu dhinac sawiro, waxaana uu intaasi ku daray inay tallaabadaasi ahayd waxa ugu fiican ee uu weligiisa sameeyo.

“Ku-dhawaad saacad barkeeda markaan joognay Garoonka Larnaca ayaan ka codsaday Afduubaha inaan la galo Sawir, xilli aan sugitaan la fadhino, Waan fekeray “Maxaa diidayo, haddii uu dhamaanteenna isku keen qarxiyo, si walba wax ma dhacayaan” ayuu yiri Rakaabkaasi.

“Waxaa kaloo ku fekeray  inay noqon karto dhabo oo aan ku arki karo haddii uu Bamku run yahay. Waxaan arkayey wax isaga uu duubnaa iyo wax uu kor u hayay wax nooca wax lagu kiciyo” ayuu sii raaciyey.

Benjamin Innes waxa uu sheegay inuu Sawirkii u diray Hooyadiisa Pauline si Jilis (Daraama) oo kale.

Hooyadiisa wey ka walaacday falkaasi waxayna ka codsatay  inuusan mar kale samaynin wax iyada dareen ku abuuri kara, mana xiiseynin inay xaalladda ka hadasho ilaa uu Wiilkeeda si nabad ah ugu soo laabtay.

“Arrimo Ammaan ayaa u baahan in laga fekero, ma doonayno inaan ka hadlo arrintaasi, ilaa Afduubka laga xaliyo” ayey sii raacisay Hooyadiisa oo Reer Leeds ah.

Saaxiibadda dhigta Jaamacadda “The Univrsity of York oo uu Benjamin Innes kaga soo qalin jebiyey Cilmiga Deegaanka ama Bii’ada (Environmental Science) sannadkii 2011-kii wey ka wada naxeen markii ay arkeen inuu Benjamin Innes isku dhinac sawiray Afduubaha Diyaaradda EgyptAir.

Afduubaha Sayful-diin Mustafa oo 59 jir Masaari ah waxa uu dareen geliyey Caalamka, markii uu Shaqaalaha Diyaaradda EgyptAir ee Duulimaadka Nambarkeedu ahaa 181 u sheegay inuu bam wato, kuna khasbay Diyaaradda inay si degdeg ah u caga-dhigato Garoonka Diyaaradaha Larnaca ee Jesiiradda Qubrus.

Dhacdada Afduubka ayaa bilaabantay ka hor 8:00 aroornimo ee shalay, xilli ay Diyaaradda ku sii jeeday Qaahira.

Afduubaha waxa uu fadhiyey Kursiga 38K ee qeybta dambe ee Diyaaradda Airbus 320.

Afduubaha si deggan ayuu shaqaalihii Diyaaradda ugu sheegay inuu isku soo xiray waxyaabaha qarxa, wuxuuna ku cabsi geliyey inuu dhulka dhigi doono Diyaaradda, haddii aan loo weecinin Jesiiradda Qubrus.

Shaqaalihii Diyaaradda oo ka koobnaa 7 qof waxay sameeyeen sidii ay Rakaabka u dejin lahaayeen, iyagoo u sheegay in Diyaaradda la afduubay, kuna sii jeedo Qubrus.

Shaqqlihii waxay bilaabeen inay Baasabooradda ka ururiyaan 55-kii Rakaabka ee saarnaa Diyaaradda, oo ay ku jireen 8 u dhalatay dalka Britain.

Markii ay Diyaaradda soo caga dhigatay Garoonka Larnca ee xeebta ku dhinac yaalla, Afduubaha waa istaagay isagoo u tallaabsaday daaha gadaashiisa, halka Rakaabka kalena eegeyaan Boliska shiishka yaqaan oo isku urursanaya nawaaxiga Garoonka.

Afduubaha isagoo ku hadlaya Telefoonka, inkastoo uu watay 4 warqadda oo Carabi ku qoran waxa uu bilaabay inuu shaaciyo Codsigiisa.

Waxa uu doonayey inuu arko Xaaskiisa hore oo ay Warbaahinta Qubrus magaceeda ku sheegeen Marina Paraschou, oo 51 jir ah, lehna 4 carruur.

Boliska Qubrus waxay dadaal u galeen sidii Marina Paraschou iyo ilmo yar looga soo kaxayn lahaa Tuulladda Oroklini, loona keeni lahaa Garoonka Diyaaradda.

Ma cadda haddii xaaskiisa hore loo oggolaaday inay hadasho.

Afduubaha waxa kaloo uu codsaday inuu la kulmo Sarkaal ka tirsan Midowga Europe, waxa kale oo diiradda saaray Maxaabiista Siyaasadda ee ku xiran Masar.

Hal saacad kadib, Afduubaha waxa uu sii daayey inta badan Rakaabka.

Shaqaalaha Diyaaradda iyo 5 qof oo Reer Galbeed oo keliya ayaa ku haray Diyaaradda, oo uu ugu dambeyntii sii daayey, ka hor inta uu shaqsi ahaan isugu dhiibin Ciiddanka Boliska Qubrus.

Haatan, Maamulayaasha Qubrus iyo Masar waxay meesha ka saareen inaysan la hadli doonin Jihadiste.

Warbaahinadda Bulshadda waxay Afduubkii EgyptAir ku tilmaameen sidii Afduub Jacayl oo kale “As a lovejacking”.

Saraakiisha Masar waxay Afduubaha (Sayfuldiin Mustafa ku sheegeen nin ay u diiwaan gashan tahay Dembiyo yaryar sida Tuuganimo iyo inuu ka basaday Xabsiga muddaDii uu socday Kacdoonkii Masar ka dhacay sannadkii 2011-kii.

Waxaa kaloo la sheegay inuu Afduubaha asal ahaan deggan yahay Deegaanka Helwan ee Koonfurta Qaahira, weligiisana kuma lug yeelanin falal Argagixiso.

Ben Innes2 EGYPTAIR

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

Xigasho: Telegraph.co.uk

 

 

Previous Post

Dhageyso:Barnaamijka Xulashada Ciyaaraha Maanta ee Maxamed Qadar Ibraahim Daahir

Next Post

ILO: “Dowladda Federalka waa in Ururradda Shaqaalaha loo madax bannaaneeyo inay Ergooyin u soo dirsadaan Shirarka Caalamiga”

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad
Warar

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

June 21, 2025
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed
Warar

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

June 21, 2025
Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
Warar

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

June 21, 2025
Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan
Caalamka

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

June 21, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Next Post

ILO: "Dowladda Federalka waa in Ururradda Shaqaalaha loo madax bannaaneeyo inay Ergooyin u soo dirsadaan Shirarka Caalamiga"

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalinta berri oo ku beegan...

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, horey ugu muddeeyay in uu qabsoomo 22-ka Juun...

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Waxaa lagu wadaa in toddobaadkan magaalada Muqdisho uu ka furmo shir albaabadu u xiran yihiin, kaas oo uu guddoomin doono...

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

by Ilhaan
June 21, 2025
0

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doonin wadahadallada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ilaa la joojiyo weerarrada lagu...

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad
Warar

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed
Warar

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
Warar

Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan
Caalamka

Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

June 21, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad
  • Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed
  • Shir Xasaasi ah oo u Furmi Doona Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka
  • Iiraan: Ma Jirto Wadahadal Nukliyeer ah Inta Weeraradu Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00