Ilhaan Cumar ayaa la sheegay in lagu hayo baaritaan la xiriira inay 6,000 oo Dollar oo loogu talagalay Ololaheeda Doorashadda u adeegsatay si Shaqsiyadeed, iyadoo Kharajkaasi qeyb ka yahay Lacag-bixinta Furriinkeeda iyo Socdaal ay ku tegtay magaalladda Boston iyo dalka Estoniya.
Saraakiisha Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota ayaa ku waramay inay dhamaystireen Baaritaankooda ku aadan Eedeynta lagu sheegay inay Ilhaan Cumar ku xad-gudubtay Dhaqaalaha loogu tabarucay Ololaheeda Doorashadda.
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga oo bilooyinkii la soo dhaafay qabsatay Wararka Madaxdiisa, kadib, markii ay dhowr jeer hadal-faalleyn ama Comments ka bixisay Arrimaha Israel waxaa lagu eedeynayaa inay 6,000 oo Dollar oo loogu talagalay Ololaheeda Doorashadeeda u isticmaashay si Shaqsiyadeed.
Xildhibaanadda oo ah mid ka mid ah Haweenka Muslimiinta ee Novembertii tegtay loo doortay Kongareeska Maraykanka waxay beenisay inay Lacagihii Ololaheeda loogu deeqay ay u adeegsatay Furiinkeeda, waxay kaloo sheegtay inay dib u celisay 2,500 oo Dollar oo ay ka qaadatay Jamaacdo ku yaalla Gobalka Minnesota.
Eedeymaha haatan la baarayo waxaa Ilhaan Cumar horey u sameeyey Xildhibaan Istefe Darazkowiski oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi, waana markii 3-aad oo Ilhaan Cumar lagu eedeeyo inay si qaldan u isticmaashay Lacagihii Tabarucaadda ee Ololaheeda Doorashadda ee uu horey u soo bandhigay Xildhibaankaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota ayaa la filayaa inay soo saaraan natiijada Baaritaankooda bisha soo socota ilaa 6 isbuuc, iyadoo Eedeymaha loo haysto Ilhaan Cumar u muuqdaan in la siyaasadeynayo, maadaama ay si qayaxan u soo bandhigto Aragtideeda ay dhibsadeen Maamulka Trump iyo kuwa Israel.