ilaalada Garoonka Kubada Cagta Koonis oo dilay Wiil dhalinyaro ah

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis waxaa lagu dilay mid ka mid ah dhalinyarada Ciyaar ka socotay Garoonka u soo daawasho tegay gaar ahaan Wiil taageero u ahaa Kooxda ku ciyaareysay Magaca degmada Yaaqshiid.

Dilka Wiilka dhalinyarada ah oo lagu Magacaabi jiray Marxuum Cabdifitaax Muuse ayaa yimid kadib markii qeybtii hore ee Ciyaar u dhaxeysay Kooxaha degmooyinka Yaaqshiid iyo Waaberi ay taageerayaasha Yaaqshiid Garoonka ku tureen Caagag iyo Dhagxaan,waxana uu u geeriyooday rasaas ay fureen ciidamada ilaalo ka ah Garoonka.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa ka mid ahaa Dhalinyarada ku nool degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir,waxaana uu ka mid ahaa taageerayaasha kooxda ku Ciyaareysay Magaca degmada Yaaqshiid.

2 -bishii March sanadkii 2015 ayaa  sidaan oo kale waxaa Ciyaar socotay Garoonka dhexdiisa lagu toogtay mid ka mid ah taageerayaasha xilli ay wada ciyaarayeen kooxaha Banadir Iyo Jeenyo .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor