Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Safiirka Qatar oo ku kulmay Muqdisho

Safiirka Qatar ee Soomaaliya Ambasaddor Xasan Xamza ayaa maanta waxaa uu hoyga uu ka degan yahay muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Xasan oo maalmahaan mas’uuliyiin kala duwan ku qaabilayey hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ayaa siweyn u soo dhaweeyey,waxaana dhexmaray kulan aan la shaacin waxyaabihii looga hadlay.

Shalay ayaa waxaa hooygiisa ku booqday Xasan Sheekh Maxamuud Wakiilka Qaramada midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Michael Keating,waxana Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay inay ka wada hadleen arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan sida Siyaasada, Amniga, Dhaqaalaha iyo saameeynta dalkeenna ee isbeddellada Geeska Afrika.

Dhawaan ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxa uu sheegay in u kulamo kala duwan la qaadan doono Siyaasiyiinta,Mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor