Urur-gobaleedka IGAD waxay shalay soo saareen qoraal ay kaga digeen xiisad dhanka cuntada ee dalalka Bariga Afrika, iyado oay in ka badan 10.7 million oo qof ay haysato ammaan-xumida cuntada.
IGAD waxay sheegtay in loo baahan yahay in la qaado Tallaabooyinka loo baahan yahay ka hor khatarta sare ee sii xumaanayso ee amman-xumida cuntada ee qeybo ka tirsan dalalka Somalia, Ethiopia, Kenya iyo Uganda, haddii ay saadaasha Roobka da’ayo u muuqadaan inay yaraadeen.
Urur-gobaleedka waxay ka digeen inay xaallad xumo abaar la kulmi doonaan Xoolo-dhaqatada ku sugan Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, W/bari Kenya iyo Koonfurta iyo Bariga Ethiopia, waxayna ka digtay inay xaalladda sii xumaan doonto haddii ay yaraadaan Roobabka la filayo bilaha soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, Urur-gobaleedka IGAD waxaa ku bahoobay 8 Waddan oo kala ah Somalia, Djibouti, Kenya, Eritrea, Ethiopia, Sudan, Uganda iyo South Sudan.