Howlgallo Culus oo ka billawday degnaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa saacadihii ugu dambeyay waxaa ay howlgallo Culus oo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay deegaanno dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Howlagaladda Saaka laga sameeyay degaanadaasi ayaa waxaa horkacay masuuliyiinta laamaha amniga Gobolka Hiiraa, waxaana hor kacayay Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey ayaa hoggaaminayay howlgalkaasi waxaana qeyb ka ahaa guddoomiyaha degmada Beledweyne Cismaan Dhicisoow Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Hiiraan Cali Cismaan Xuseen  Abaanduulaha qeybta 27-aad Kor. Isaaq Cismaan Idris iyo masuuliyiin kale.

Ciidanka ayaa intii howlgalku socday waxaa ay tageen denaanno dhowr ah oo gobolkasi k tirsan, waxaana ka mid ah degaanada sida gaarka ah ay saaka howlgalka kaga sameeyen  Jaburow, Ceelka Bar Wardhabelo iyo Dondheere  kuwaas oo horay AL-Shabab ugu sugnaayaan.

Howlgalka kadib saraakiisha Ciidanka guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay howlgalkaasi.

Maal mihii ugu dambeeyay howlgallo Culus ayaa ka socday deganaada Maamulka Hirsahbeelle, waxaana Gobolka Hiiraan ku sugan masuuuliyiintii ugu sarreysay ammaanka dalka oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wasiirka difaca Dowladda Soomaaliya.

Waxaana sidoo kale Gobolka Hiiraan ku sugan masuuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Hisrahbeelle oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor