Shir wadareedka Golaha Wasiirada oo Maanta lagu wado in la soo geba-gabeeyo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa manta lagu wadaa in uu soo xiro shir wadareedka Golaha Wasiirada, kaas oo shalay uga furmay Magaalada Muqdisho.

Kualnaka oo shalay furmay ayaa ayaa lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galleysa qaarkood ayaa Maanta hadal ka jeedin doona shirka, iyaga oo soo bandhigi doona qorshahooda Shaqo ee sanadaha soo socda iyo waxka qabashada Arrimaha Abaaraha iyo Amniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor