Ciiddanka Ilaalinta Deegaanka Xamar ee hoos taga Maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho waxay xalay fuliyeen Hawlgal lagu ururinayo dhamaan Lo’da ku dayacan Waddooyinka muhiimka ee Muqdisho.
Hawlgalkan waxaa ka qeyb galay Ciiddanka Ilaalinta Deegaanka, kuwaasi oo la arkayey iyagoo xoolaha ay qabtaan saarayo Gaadiidka Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Eng. C/raxmaan Yariisow waxa uu dhowr bilood ka hor bixiyey Amarka lagu sii qabanayo Xoolaha nool ee lagu soo daayo Waddooyinka Muqdisho, kuwaasi oo wax u dhimay bilicda iyo isku socodka gawaarida isticmaala qaar ka mid ah Waddooyinka ugu mashquulsan Caasimada.