Wararka ay Maanta Idaacada Dalsan ay ka heleyso Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaano hoostaga degmada Mahadaay ayaa waxa ay sheegayaan in saakay ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ka wadaan howlgallo qorsheysan.
Howlgallada ayaa waxa ay sigaar ah uga socdaa inta u dhaxeeysa Degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali Fooldheere halkaas oo mararka qaar ay Al-Shabaab wadada u galaan Ciidamada Dowladda xiliyada ay ku socdaalayaan.
Saraakiisha Ciidamada Milateriga ayaa iyana dhankooda waxa ay sheegeen in howlgalkaas ay yihiin kuwo Amniga lagu xaqiijinayo isla markaana looga hortegayo weerarada Al-Shabaab.
Degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali Fooldheere ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weerar jidgal ah oo ay sameeyeen Al-Shabaab taas oo keentay howlgalladaas.