Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Muqdisho ka sameeyeen howlgalo tiro dad ah lagu qabqabtay.
Howlgalka ayaa waxaa laga sameeyay qeybo ka mid ah Xaafada Siigaale, waxana dadka deeganka ay sheegeen in howlgalkaas uu ahaa mid inta badan dhalinyarada lagu qab qabanayay.
Qof k mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in dad kor u dhaafaya 100 Ruux howlgalkas lagu qabtay isla markaana uu goob fagaaro ah kula hadlay gudoomiyaha degmada Hodan Maxamed Cantoobo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in intaasi kadib dadkii dhalinyarada u badnaa ee howlgalka lagu qabtay lasii daayay balse ay ciidamu reebteen ilaa 5 Ruux oo laga shakiyay.
Xiriir ayaan la sameynay maamulka degmada Hodan si aan wax uga weeydiino howlgalkas balse kama jawaabin taleefoonadeena.