Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay la wareegi doonto Iskuulka 15-ka May ee ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ay maamulaan Guddiga Waxbarashada Masar ee Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in Iskuulka 15-ka ay dowladda Soomaaliya la wareegi doonto 20-ka Bisha soo socota ee April 2020, isla markaana ay kala wareegeyso Guddiga Waxbarashada reer Masar.
Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa tilmaamatay in Iskuulkaas laga dhigi doono Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka.
Si kastaba weli si rasmiga ah looga oga sababta keentay in xiligaan ay dowladda la wareegto iskuulka 15-ka May oo ay si lacag la’aan ah wax ugu bartaan boqolaal Arday oo Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dhex-dhexaad ka tahaya Khilaafka dowladaha Masar iyo Itoobiya ee ku aadan Webiga Niil, lamana oga in Go’aankaas uu daba socdo tallaabada ay dowladda kula wareegeyso Iskuulka 15-ka May.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Waxbarashadda oo ku qoran Luuqada Carabiga.