Wargeyska NL Times ee ka soo baxa dalkaasi ayaa qoray in bilihii ugu horreeyey ee sannadkan dalkaasi laga soo masaafuriyey 23 Burcad-baddeed Somali ah, kuwaasi oo soo dhamaystay Xabsigii lagu xukumay.
Hadal ka soo baxay Waaxda Dib-u-celinta dadka la masaafuriyo ee Wasaaradda Ammaanka iyo Garsoorka ee dalkaasi ayaa lagu xaqiijiyey in Burcad-baddeedaasi dib loogu soo celiyey dalkooda hooyo.
Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inuu Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Holland ka soo qabtay Badda Somalia sannadkii 2012-kii, kadib, markii ay Markabkaasi u maleeyeen Marakab Ganacssi si ay u afduubtaan.
Ciiddanka Badda ee dalkaasi waxay qeyb ka yihiin Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.
Dhinaca kale, Wargeyska NL Times ayaa qoray in dalkaasi si khasab ah looga soo masaafuriyey 2,200 Qaxooti Magnagelyo-doon ah, kuwasi oo ku guul-daraystay in loo oggolaado Deganaansho Qaxootinimo.
©Radio Dalsan