Madaxweynaha dalka Venusela, Nikolas Maduro ayaa u mahad celiyey dhigiisa dalka Maraykanka ee aysan saaxiibada ahayn, Donald Trump.
Maduro ayaa sheegay inuu Donald Trump uga mahad celinayo hadaladda uu ku mucaarado, taasi oo uu sheegay inay isaga ka dhigay Hoggaamiye caan ka noqday Caalamka oo dhan.
“Waxaa sharaf ii ah  inuu Donald Trump maalin kasta igu soo hadal-qabsado†ayuu yiri Madaxweynaha 54-jirka ee dalka Venezuela o ola hadlay Telefishinka dalkiisa.
“Donald Trump waxa uu noqday Hoggaamiyaha Mucaaradka Venezuela†ayuu yiri Nicholas Madura.
Hadalkaasi ayuu sheegay wax yar kadib, markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku soo kala bixiyey dalalka Raashiya, Belaruus iyo Turkiga.
Donald Trump oo ahaa Ganacsade Madaxweyne noqday waxa uu had iyo jeer si kulul u naqdiyaa Madaxweynaha Venezuelan iyo Xisbigiisa Shuuciga, wuxuuna Donald Trump ka hadlaa arrinta Madura xitaa haddii uu Madax Caalami ah la kulmayo.