Hogaamiyaha mucaaradka Tunisia oo sanad xabsi ah la xukumay

Maxkamad ku taal Tunisia ayaa ku xukuntay hogaamiyaha mucaaradka Rached Ghannouchi hal sano oo xabsi ah.

Hogaamiyaha xisbiga Ennahda, oo aad u dhaliila madaxweyne Saciid Kaies, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii hore, ka dib markii lagu eedeeyay inuu maleegayay falal ka dhan ah amniga qaranka iyo kicin dadweyne.

Mr Ghannouchi ayaa diiday eedeymahaas oo uu ku tilmaamay kuwa siyaasadeysan, isagoo diiday inuu horyimaado garsoorayaasha.

Isniintii, ayaa la xukumay isagoo maqan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply