Wasiirka Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM General Diomede Ndegeye.
Inta uu socday kulankii dhexmaray Wasiir Maxamed Khayre , Francisco Madeira iyo Taliyaha guud ee AMISOM ayaa waxaa looga hadlay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle iyo howlgalka ka dhan ah Al-shabaab.
Sidoo kale kulankaas ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday sugida amniga Doorashada maamulka Hirshabeelle iyo doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka ka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021.
Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa u mahadceliyay Francisco Madeira iyo Taliyaha guud ee AMISOM, isagoo ka dalbaday in deegaanada maamulkaas laga fuliyo howlgal ka dhan ah Al-shabaab.