Hey’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Soomaaliya ee (NISA) ee loo yaqaano National Intelligence Agency and Security (NISA) ayaa weeraray xafiisyada gaarka loo leeyahay ee Televeshinka Universal TV ee magaalada Muqdisho 2 bishii October ee sanadkaan 2015, kadibna xiray Abdullahi Xirsi, oo ah agaasimaha xaruunta Bariga Africa ee Televeshinka, iyo Cawil Dahir Salaad, oo ah Barnaamij soo saare.
Labada wariye oo aan dacwad lagu soo oogin sida ay sheegayaan illo maxali ah, ayaa hadana Xeer-Ilaaliyaha Guud ee hey’adda NISA amar ku bixisay in 21 maalmood ay wadayaan baaritoono ku aadan kiiskooda. Inta waqtigaasi 21 cisho ahna waxaa ay wariyaashaasi ay ku xirnaandoonaa halka lagu magacaabo xabsiga Godka Jilacow. waxaa sidoo kale loo diidey in ay Qareen yeeshaan ama ay la kulmaan, waxaa sidoo kale Signalka Universal TV ay ka saareen hawada hey’adda NISA. Sida ay sheegeen Hey’adda difacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Geeska Afrika, ee (EHAHRDP).
“Suxufiyiinta Soomaaliya waxaa ay wajahayaan xaalado shaqo oo aad u culus, tani waa dhacdo kale, Tusaale ahaan Ololihii Madaxweynaa waxaa ka qeyb ahaa shaqaalaha Warbaahinta “, ayuu yiri Xasan Shire, Agaasimaha Guud ee Hey’adda difacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Geeska Afrika, ee (EHAHRDP). “Labada saxafi waa in si deg-deg ah loo siidaayaa, oo sidoo kale lasoo celiyaa signal-ka Televeshin-ka Universal TV . iyadoo sidoo kale dalka uu galayo doorasho sanadkan 2016, waa mid muhiim u ah warbaahinta si ay u awoodaan in ay ka hadlaan arrimaha walaaca dadweynaha ee dhanka dowladda” .
Sidoo kale hey’adda ayaa shegtay Xariggan iyo weerarkaan in uu dhacay kadib markii uu Televeshinkaasi uu siidaayay dood Barnaamij loogu magacaabo Doodwadaag bishaan October 1. Barnaamijka ayaa waxaa lagu arkay oo ka qeybgalay laba xubnood oo baarlamaanka soomaaliya ka tirsan, waxaana loogu doodayay joogitaanka ciidamada shisheeye ee dowlada itoopiya, kuwaasoo qeyb ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo sidoo kalena loogu hadlay doodaasi Mooshinka kalsoonida kadhanka ah dowladda Soomaaliya.
Bishii Abriil ee sanadkaan 2015 shan iyo labaatan wariye ayaa la xiray iyadoo sidoo kalena la xiray labo Radio. Sida u qoran warsaxaafadeedka Hey’adda difacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Geeska Afrika, ee (EHAHRDP).
Shaqaalaha warbaahinta Soomaaliya ayaa ka welwelsan sharciga saxaafadda ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya bishii September ee sanadkii 2014, kaas oo awood u leh in ciqaab iyo ganaax daran, oo ay ku jiraan ganaax dhanUS $ 5,000 illaa $ 10,000 oo ah, lagu soo rogi karo saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta,Qabiir Madax banana oo Qaramada Midoobe ka tirsan oo lagu magacaabo Bahame Tom Nyanduga, ayaa dhankiisa ka muujiyay walaac ka muujiyay warbixintaasi udambeeysay warbixin uu ugu dambeeyay.
Xariggan ugu danbeeyay oo lagula kaco suxufiyiinta soomaalida ayaa yimid iyadoo labo wariye lagu xiray Magaaladda Berbera, ee Somaliland, isla bishaan October 5.
Suxufiyiinta Soomaaliya ayaa sidoo kale ay sheegeen in ay ku shaqeeynayaan hanjabaad oo kaliya aan kagag imaanin dowlada soomaaliya iyadoo sidoo kalena cabsi kala kulma Xarakada Shabab.