Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada oo wax laga weydiiyay Xiisadda Somaliland iyo Somalia

Muddooyinkii u danbeeyey dhinacyada Hargeysa iyo Muqdisho ayaa isku eedaynayey carqaladayn iyo xadqudubyo ku saabsan dhanka hawada. Diyaarado ayaa ay sheegeen in ay isku dhici gaadheen, sida oo kale wax ay soo weriyeen in la carqaladeeyey diyaarado kor marayey hawada Soomaaliya.

BBC da ayaa Haayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ICAO, waxaana ay wax ka waeydiisay eedaha labada dhinac iyo illaa hadda waxa ay kala socoto.

Haayadda ayaa BBC-da u sheegtay in aanay ka falcelinayn xaaladdaas oo ay ka gaabsadeen, isla mar ahaantaana hawshaasi u taal dalalka ay khusayso.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan caddeyno in nidaaminta gaadiidka hawadu ay tahay mas’uuliyad gaar ah oo madaxbannaan sida waafaqsan Axdiga Duulimaadyada Caalamiga ah ee 1944. Marka la eego heerka ICAO oo ah hay’ad farsamo oo siyaasad ahaanna dhexdhexaad ah, kama faalloon karno wada shaqayntayada dawladaha xubnaha ka ah ama ahwlaha ku aaddan gudashada waajibaadkooda gaarka ah illaa dalkaasi noo igmado” ayaa uu sheegay afhayeen haayaddaas metelayey.

ICAO, ayaa hore si dhexdhexaad u maamuli jirtey hawada Soomaaliya ka hor intii aan lagu wareejin Muqdisho.

Somaliland ayaa falanqeyayaashu u arkaan in ay door bidayso in haayaddan ICAO lagu celiyo maamulka hawada oo ay u dhex u ahaato labada dhinac.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor