Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Ayaa ku dhawaaqday 4 Maalin Oo Soon ah iyo In Maalinta Sabtida ah Dalka Oo Dhan Laga Oogo Salaad Roob Doon ah.
Afarta Maalin ayaa Hay’addu Sheegtay in ay ka bilaabaneyso Maalinta Arbacad ah ee na soo Aadan, Maalinta Afaraad ee Sabtiga ahna Dalka oo dhan laga Oogo Salaad Roob Doon ah iyadoo dadlku ay Soomaanyihiin.
Gudoomiyaha hayádda culimada Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku boorriyay umadda Soomaaliyeed in ay iscafiyaan ayna badiyaan Baryadda Alle si uu Eebe nooga dulqaado Abaarta iyo Colaadda ku soo noqnoqotay Soomaaliya.
Si kastaba Baaqa Hay’adda Cilimada ayaa ku soo beegmaya iyadoo Xaalado Bani’aadanimo oo aad looga deyrinayo ay taagantahay dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale baaqan ayaa imaanaya xili Maaliyiin ka mid ah dadka Soomaaliyeed ayaa qarka u saaran Macluul, iyadoo qaar kamid ah gobalada dalka laga soo sheegayo in dadku ay u Le’anayaan Cudurrada Faafa ee ka dhashay Macluusha.