Hay’adaha Samafalka iyo  Xuquuqda Aadanaha oo ku baaqay inaan la xirin Xeryaha  Dhadhaab iyo Kakuma.

Qeylo-dhaan Caalami ah ayaa ka imaanayso Hay’addaha Samafalka iyo kuwa Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka, kadib, markii ay Dowladda Kenya shalay shaacisay inay albaabadda u laabayaan Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakumo.

Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF waxay ka digtay inay arrintaasi khatar gelin doonto noloosha in ka badan 300,000 oo Qaxooti u badan Somali oo ku nool Xerooyinkaasi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wakiilka MSF ugu qaabilsan Hawlgalladda ka socda Kenya, Liesbeth Aelbercht ayaa sheegtay inay tallabadda lagu xirayo Xeradda Qaxootiga ee ugu ballaaran Caalamka mar kale shaacinayo dayaca iyo dhibaatooyinka haysta Malaayiin qof oo Qaxooti ah oo ku nool Caalamka.

“MSF waxay ku boorinaysaa Dowladda Kenya inay dib uga fiirsadaan baaqooda, iyadoo ay Hay’addaha Caalamiga mar hore ku sugnaayeen Xerada, si ay Taageero Samafal Aadminimo iyo inay hubaal ka dhigaan xaalladda nololeed ee Boqolaalka qof ee baahida xooggan qaba” ayey tiri Madaxa Hay’adda MSF ugu qaabilsan Hawlgalladda Samafalka ee Kenya.

Sidoo kale, Hay’adda Caalamiga ee u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch iyo Amnesty International waxay qeylo-dhaan ka muujiyeen Go’aanka Dowladda Kenya shalay ku sheegtay inay albaabadda u laabayaan Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakumo, oo ay sheegeen inay sii kordhinayaan Nabadgelyo-xumida ka jirta Kenya iyo Cabsida Alshabaab.

Hay’adda Human Rights Watch waxay sheegtay inaysan Saraakiishodoa haynin caddaymo muujinaya inay Qaxootiga Soomaalida ku lug leeyihiin weeraradda Argagixisadda ee ka dhaca gudaha Kenya.

Dhinaca kale, Xeradda Dhadhaab oo ku taalla Bariga Kenya waxaa ku nool in ka badan 330,000 oo Qaxooti badankooda ah Soomaali ka soo carartay colaadihii sokeeye ee ka dilaacay dalkeenna muddo haatan laga joogo Rubuc Qarni.

Xeradda Kakuma waxa iyadana ku nool 190,000 oo Qaxooti ah, oo u badan dad u dhashay dalka Koonfurta Sudan, kuwaasi oo ka soo cararay dagaalladda sokeeye ee weli ka socda dalkooda hooyo.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor