Haweeyney Naafo ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Waxaa Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Hotel Shaamoow ee ku yaalla Magaalada Muqdisho uu agagaarka Isgoyska Soobe ku dilay Haweeyney Naafo aheyd.

Askariga ayaa waxaa la sheegay in uu rasaas si bareer ah ugu furay Haweeyneyda oo kamid aheyd dhowr qof ah oo Naafo ah,isla markaana halkaasi loogu qeybinaayay Lacag,sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Hay’adda WFP ay bixineysay lacagtaas oo saakay loo qeybiyay dad ku dhow 1500 qof,waxaana ku jiray Haweeyneyda oo rasaasta lagu furay uga dhacday qeybaha sare ee Jirkeeda,waxaana magaceeda lagu soo gaabiyay Cadar,iyadoona goobta ku geeriyootay.

Askarigii ka dambeeyay filkaasi ayaa waxaa la tilmaamay in goobta uu ka baxday,kadib markii uu fuliyay dilka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media