Wargeyska Al-ra’yi ee ka soo baxa dalka Kuweyt ayaa qoray in Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Livani Azvilo Pescaeda lagu xukumay Xabsi 10-sanno, iyo in la masaafuriyo marka ay xukunkeeda dhamaysato.
Haweeneydaasi oo 32-jir ah ayaa la sheegay in dalka Kuweyt lagu qabtay bishii August ee sannadkan, iyadoo ka mid ah Haweenka Shaqaalaha ee ka adeega Guryaha.
Ilo dhinaca Garsoorka dalka Kuweyt ayaa sheegay in Haweeneydaasi bishii June ee sannadkan soo gashay dalkaasi, iyadoo ka soo guurtay dalka Sacuudiga oo ay muddo 2 sanno ka shaqeynaysay.
Haweeneydaasi ayaa Diinta Islaamka qaadatay 2-sanno ka hor, kadib, markii uu guursaday Nin Somali oo la sheegay inuu ka mid yahay Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan dalka Libya, waa sida uu qoray Wargeyska Al-ra’yi.
Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka Kuweyt ayaa la sheegay inay dabagal ku hayeen Haweeneydaasi, kadib, markii la dhegeystay Mobaylka ay kula xiriiri jirey Ninkeeda.
Waxay u sheegtay Baarayaasha dalkaasi inuu Ninkeeda ku booriyey inay Is-qarxin ka geysato gudaha dalka Kuweyt, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Bishii June ee sannadkii hore, nin Sacuudiyaan ah oo ka tirsanaa Kooxda Daacish ayaa isku qarxiyey Masjid, oo ay ku geeriyoodeen 27 ka mid ah dadkii ku tukanayey Masjidka, iyadoo 227-kalena ku dhaawacantay.
©Radio Dalsan