Aaladaha Facebook, Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa mar qura hawada ka baxay kadib markii ay ku timid cilad, taasi oo keentay inay saameyso dad aad u fara badan oo dunida ku kala nool.
Waxaa hoos u dhacay dhamaan barnaamiyada Shirkadda Facebook ay leedahay, sida Whatsapp, Facebook iyo Instagram.
Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii dib ay hawada ugu soo celin lahayeen.
รขโฌลWaxaan ka warqabnaa in dadka qaar ay dhib badan ku qabaan helidda ama gelidda baraheennaรขโฌย ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxda shirkadda Facebook, kaasi oo lagu daabacay barta Twitter-ka.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri รขโฌลWaxaan ka shaqeyneynaa inay wax waliba sidii caadiga ahaa ku soo laabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan, uguna macquulsan, waxaana idinka raali gelineynaa caqabadda ku timid dhanka isticmaalkaรขโฌย.
Sidoo kale Whats Up ayaa dhankeeda baahisay qoraal u qornaa sida tan รขโฌหรขโฌโขWaxaan la soconnaa in dadka qaar ay dhibaato kala kulmayaan barnaamijyada WhatsApp xilligan. Waxaan ka shaqeyneynaa inaan wax walba caadi ku soo celinno sida ugu dhaqsaha badan.Waad ku mahadsan tihiin dulqaadkiinaรขโฌโขรขโฌโข