Hadal-jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha dalka oo Maanta bilaabaneysa

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Xarunta Teendhada Afisyooni ka bilaabaneysa hadal-jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , kadib markii shalay lasoo gaba-gabeeyay Is diiwaan-gelinta Musharaxiinta.

Guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in 20 Musharax oo isku soo taagay xilka Madaxweynaha dalka ay khudbado u jeedin doonaan Xildhibaanada labada Aqal, kuwaasi oo ka hadli doona waxa ay qaban doonaan marka xilka loo doorto.

Musharaxiinta khudbadaha Maanta kahor jeedinaya Xildhibaanada ayaa waxaa ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Musharaxiin kale oo farabadan, lana diiwaan-geliyay.

Guddiga doorashada ayaa Musharax kasta u qorsheeyay in khudbadiisa ay socoto 15 daqiiqo, isla markaana uga hadlo waxa uu qaban doono marka loo doorto xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa saacadaha soo socda tegaya Teendhada Afisyooni, si u dhageystaan khudbadaha ay u jeedin doonaan Musharaxiinta, waxaaan doorashada Madaxweynaha ay dhaceysaa 15-ka May 2022.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor