Gudoomiye Jawaari oo sheegay in Xukuumada ay ka dambeyso Mooshinka laga gudbiyay

Labo cisho Kadib Markii Arbacadii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay mooshin ka ka gudbiyeen Gudoomiyaha Golahaasi Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,Caawa ayuu Jawaari si faah faahsan uga hadlay Mooshinka ka dhanka ah.

Waxa uu si cad u sheegay in Mooshinka laga soo abaabulayo Xafiiska Raisul Wasaaraha,waxaana uu tilmaamay in la doonayo in la wiiqo awooda Golaha Shacabka,

Waxa uu soo hadal qaaday arinta Ciidamada Caawa la wareegay Xarunta Golaha Shacabka oo ay Xildhibaanada ku shiraan,isaga oo sheegay wixii xaruntaa ka dhaca ay mas’uuliyadeeda qaadeyso cida soo amartay Ciidanka la wareegay Xaruntaasi.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in uusan shir gudoomi doonin Kulanka Berri ee Golaha Shacabka oo looga hadlayo Mooshinka laga gudbiyay,balse waxa uu shaki galiyay in xaruntaas lagu qabto Codeynta Mooshinka,isaga oo sheegay in xaruntaa ay gacanta ugu jirto Xukuumada Federalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media