Xildhibaan Fiqi”Inqilaabka hubeysan ee Xarunta Golaha Shacabka waa kalsooni xumo heysata Madaxa dalka”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si kukul uga hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo Ciidamada la geeyay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Ciidamada la geeyay Xarunta Golaha Shacabka at muujinayaa in ayaan kalsooni heysan Madaxda dalka.

‘Kacaanka 16 Maarso iyo inqilaabka hubaysan ee xarunta golaha shacabka lagula wareegay waxey muujinaysaa in madaxda dalku aysan naftooda iyo sharciga dalka aysan midna ku kalsoonayn, taas darteedna ay doorbideen in ay sharciyadda inqilaabaan ayadoo la joogo qarniga 21-aad iyo dal horey ugu soo hungoobay afganbi.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday hadal Caawa ka soo yeeray Gudoomiye Jawaari ee ahaa in lagu yiri saxiix heshiisyo laakin taasi uu diiday.

“Guddoomiyaha golaha shacabku wuxuu jeediyey hadal taariikhi ah, wuxuuna daaha ka qaaday in heshiisyo qol mugdi ah hoostiis la yiri ku saxiix inuu diiday, taasna ay keentay in lagu soo duulo barlamaanka si guddoomiye macmal ah oo waxa xukuumaddu rabto oo kaliya ka dhex qabta golaha shacabka,Inqilaabka hubaysan ee xarunta golaha shacabka lagu qabsaday ma ahan mid sii socon kara, lagumana gaarayo ujeeddooyinka gurracan ee looga gol leeyahay, wuxuuna soo dedejinayaa in ciddii sharci-darradaas ku dhaqaaqday sharcigu ciqaabo”

Hadalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku soo aadaya xili Caawa ay Xarunta Golaha Shacabka la wareegeen Ciidamo isugu jira xasilinta iyo Koofi Gaduud,iyada oo lagu eedeynayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media