Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo shir Jiraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si faah-faahsan uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka sii daraysa kana dhalatay Moshinka.
Afhayeenka golaha Shacabka ayaa sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu u sheegay in la xalinayo xiisadda Siyaasadeed si looga Gudbo.
Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa cadeeyay in halkii madaxwaynuuhu uu ka xalin lahaa xiisadda in isaga uu ka dalbaday in uu iska casilo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaaliya
Dhinaca kalana Jawaari ayaa sheegay in hadalka Madaxwaynaha uu ka jawaabay una sheegay in aanu iscasilayn laakiin lagu kalabaxayo sharciga,Kulanaka lagu madalsanayahay maalinta beri ayuu sheegay in wixii khalalaase ah ee ka dhasha in uu qaadayo Madaxwaynaha Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso codka Gudoomiye Jawaari.