Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug uu gaaro wefdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ee Cali Gacal Casir.
Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo wefdiga ayaa iminka ka socota Magaalada dhuusamareeb,waxana la’arkayaa Ciidamo amniga xaqiijinaya iyo sidoo kale dadweyne farabadan oo taagan wadada ka timaada Garoonka Diyaaradaha Magaalada dhuusamareeb.
Warar aan helnay ayaa wax ay sheegayaan in sababaha uu Cali Gacal Casir u tegayo Dhuusamareb ay qeyb ka tahay soo xulista Xildhibaanada ku biiraya baarlamaanka Galmudug,iyo sidii la iskugu dari lahaa xildhibaanada Galmudug iyo Ahlusunna.
Intaasi kadib markii ay dhacdo munaasabada iskudarka labada Baarlamaan ee Galmudug iyo Ahlusuna ayaa xildhibaanadu waxa ay meel marin doonaan heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna ay wada gaareen kaas oo keenay in ay midoobaan.