Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dadban oo Ku dhawaaqay Xiliga la shaacin doono go’aanadda kuraasta doorashooyinkooda lagu noqonayo

Gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in saacadaha soo aadan la shaacin doono go’aanadda ku saabsan kuraasta lagu noqonayo doorashooyinkooda ee ay saameeyeen musuq-maasuqa.

Xubno ka tirsan gudiga, ayaa idaacadda Dalsan u sheegay in kulamo gooni-gooni ah, kadib ay isla afgarteen in ay warbaahinta usoo bandhigaan saacadaha soo socda kuraasta shakiga lagaliyay.

Diplomaasiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in shaki aanu ku jirin in xubno la doortay ay kusoo baxeen si khaldan, kuwaasoo u awood sheegtay masuuliyiintii la tartam ayay.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegay in ay walaac ka qabto in ay musuqmaasuq  sameeyaan xubnaha u tartamaya xildhibaanada baarlamaanka Aqalka Hoose, islamarkaana  ergooyinka qaarkood ee wax soo dooranaya in ay beelaha Soomaaliyeed ay ku riixayaan in ay keenaan xubno ay saaxiibo yihiin oo hadhow dooran kara.

Warka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay si weyn uga niyad jabeen hanaanka doorashada Soomaaliya, madaam maalinba maalinta ka dambeysay ay isasoo taraayaan dib u dhacyada ku imaanaya hanaanka Doorashada Soomaaliya , waxaana ay sheegeen in dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor