Guddoomiyihii Barlamaanka dalkaasi , Muscab Bu- Shaarib ayaa la sheegay inuu maanta iska casilay, sida uu baahiyey Telefishinka Annahaar.
Ilo-wareed ayaa u sheegay Telefishinka inuu Guddoomiyuhu qaatay Go’aankaasi, kadib, markii ay Dibadbaxayaasha dalbadeen inuu is-casilo, wuxuuna Muscab Bu-shaarib horey Guddoomiye uga ahaa Xisbiga Xorreynta Algaeria ee FLN Party, oo talada dalkaasi hayey tan iyo markii uu dalka Algeria xorriyadda ka qaatay dalka Faransiiska sannadkii 1962-kii.
Is-casilaadaasi waxay ku soo beegantay 3 bilood kadib, markii uu Madaxweynihii Algeria, C/casiis Butafaliiq lagu khasbay inuu xilka ka degay, kadib, markii ay dhaceen Mudaaharaadyo looga soo horjeeday Maamulkiisa.
Dhanka kale, Guddoomiye Ku-meel-gaarka ee Barlamaanka dalkaasi waxaa loo doortay Xildhibaan Terbej C/risaaq, kadib, markii ay Xildhibaanadda cod u qaadeen.
Sidoo kale, Maamulayaasha dalka Algeria waxay dib u dhigeen Doorashadii Madaxtinimadda ee dalkaasi oo la qorsheeyey inay dhacdo bishan July 4-da, kadib, markii aan la helin tirada Murashixiinta u tartami doonta xilkaasi.