Madaxweynaha Galmudug ayaa manta Magaalada Muqdisho kula kulmay Francisco Madeira oo ah Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya.
Madaxweyne Axmed Ducaalle iyo Francisco Madeira ayaa waxa ay kawada halkeed Arimaha Galmudug iyo xaalada ay uu hada Maamulku ku suganyahay
Waxaa kulanka intiisa badan diirada lagu saaray arimaha Amniga iyo Dib u Hishiisiinta
Amniga ayaa looga hadlay sidii loo xoreyn lahaa dulka ay kooxaha cadowga ahi ka heystaan Galmudug oo gacanta Maamulka loo soo galin lahaa.
Wakiilka ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo howlgaladaas lagu doonayo in lagu xoreeyo dulka ay Gacanta ku hayaan Al-shabaab ayna gacan ka sii doonaan Ciidamada Galmudug iyo cid kasta oo ka qeyb qaadata.
Waxaa kale oo uu soo dhaweeyay bogaadiyayna in dib u hishiisiin laga sameeyo Galmudug oo uu sheegay in ay tahay xiligii loo baahnaa in dib u hishiisiin la helo.