Guddoomiye Madaale oo kulan sagootin ah u sameeyay Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden

Maamulka Gobolka Banaandir ayaa kulan sagootin ah caawa u sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden Cadaani, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay howla shaqo u joogay Magaalada Muqdisho.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Nabad Sugida iyo Boliiska, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo aggaasimahaal.

Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden Cadaani oo kulankan ka hadlay ayaa ku bogaadiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada Caasimadda sida ay uga go’an tahay horumarinta Magaalada Muqdisho oo ay ka muuqato isbadal dhan walba.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxaa uu tilmaamay in Maamulka Gobolka uu soo dhaweynayo cidkaste oo kaalin ka qaadaneysa dib udhiska iyo Xasiloonida Caasimadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor