Muxuu yahay Ujeedka Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dalka Qatar?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkan oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo labo maalmood ah.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad ayaa la qaadan doona kulammo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale, Labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor