Guddoomiye Aadan Madoobe oo Istanbul ku booqday Guddoomiyihii hore ee G/Shacabka Pro. Jawaari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxa uu booqday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrimo caafimaad u jooga Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkiga.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari xaaladiisa ay aad u wanaagsan tahay islamarkaana uu caafimaad qabo waxa uuna Alle uga baryay inuu caafimaadka u siyaadiyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor