Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Tahliil Shaatax ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, iyagoona ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka ee socda.

Guddoomiye Tahliil Shaatax ayaa waxaa uu sheegay inuu Ra’iisul Wasaare Rooble u muujiyey welwelka ay Bulshada Rayidka ka qabaan qaabka au ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka iyo  waqtiga loo qabtey oo uun labo maalin ka harsan tahey.

Sidoo kale Guddomiye Shaatax ayaa la wadaagey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta howlaha u baahan in la qabto doorashooyinka ka dib, kuwaas oo lagu xalinaayo dhibaatooyinka ka dhalan doono doorashooyinka dalka.

Ururrada Bulshada Rayidka ayaa horey u sheegay in aan la fulin qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka iyo tallooyinkii ay Bulshada Rayidka siiyeen Golaha ee ahaa in doorashada Golaha Shacabka ay noqoto mid daah-furan.

Laba maalin oo qura ayaa ka haray waqtigii lagu heshiiyay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo, wuxuuna waqtiga ku egyahay 25-ka bishaan Febraayo, isla markaana waxaa weli harsan oo aan la dooran in ka badan 100 Xildhibaan oo kamid noqon lahaa Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor