RW Rooble oo Hay’addaha Amniga iyo AMISOM kala hadlay adkeynta Ammaanka Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xoojinta amniga Dalka, la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada , dardargelinta sugidda amniga Muqdisho  iyo adkaynta amniga Doorashada.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha J.F  Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Rooble  ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM dadaalada ay wadaan ee ku aadan xoreynta deegaanada ka maqan gacanta dowladda Federaalka, waxuna Ra’iisul Wasaaraha ku adkeeyey in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho ka dhacayeen falal amniga lid ku ah sida dilal qorsheysan oo ay geysanayeen kooxo hubeysan iyo qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor