Waxaa Maanta Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho booqasho ku yimid Guddoomiyaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika Bankole Adeoye, isagoo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika Bankole Adeoye.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ammaanka dalka iyo qorshaha ay Ciidanka dowladda Federaalka ay ammaanka dalka uga wareegayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Booqashada Guddoomiyaha Nabadda iyo Amiga ee Midowga Afrika ayaa ku soo aaday, iyadoo todobaadyo kaddib uu xilka ka dhammaanayo howlgalka Ciidamada AMISOM, loona diyaar garoobayo in 15 sano kaddib howlgalkii AMISOM loo bedelayo ATMIS.