Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo ku gudajira socdaal shaqo oo uu maalmahan ku joogay magaalada Nairobi ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Switzerland ee qaabilsan waddamada Bariga Africa oo ay ku jirto Soomaaliya Ambassador Mirko Giulietti.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, sidii looga hortagi lahaa saameynta abaaraha la saadaalinaayo loona yareyn lahaa khasaaraha ka dhasha, sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta deeq-bixiyayaasha iyo hay’adda iyo adkeynta dadaallada diyaar-garowga iyo ka hortagga.